Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Muqdisho Gilgilay iyo Booliska Soomaaliya oo Ka Hadlay

Muqdisho(aftahannews):- Ugu yaraan 10 Ruux, ayaa ku dhintay, illaa 30 kalena way ku dhaawacmeen Qarax xooggan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan waxaa qaraxa lagu weeraray Maqaaxi la yidhaahdo Luul Yemen oo ku taalla degmada Xamar-Jajab, ayaa sheegay in ay ku dhinteen 10 ruux oo u badnaa dad shacab ah.

AFHAYEENKA BOOLISKA SOOMAALIYA SADIIQ AADAN 2021
AFHAYEENKA BOOLISKA SOOMAALIYA SADIIQ AADAN 2021

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta kula hadlayay goobta uu Qaraxu ka dhacay oo qaraxa ka dib ay soo gaadheen ciidanka Booliisku, ayaa sheegay in ay ku dhinteen 10 Ruux oo u badnaa Dad shacab ah, halka uu sheegay inay illaa 30 Qof oo kale ku dhaawacmeen weerarkaas oo uu Afhayeenku sheegay in loo adeegsaday Mootada Xamuulka amma Mooto-buudhilayda.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan, ayaa ku eedeeyay masuuliyadda weerarkaas Kooxda Al-shabaab, oo uu xusay inaanay weli ka tanaasulin wax-yeelleynta shacabka iyo in ay caqabad ku yihiin sida uu hadalka u dhigay hormarka waddanku sameynayo.

Qaraxa, caawa ayaa marka laga yimaaddo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca Dadka soo gaadhay, waxa uu sidoo kale sababay burbur hantiyeed oo soo gaadhay Makhaayadda la bartilmaameedsaday.

Warkaas oo faahfaahsan, sidoo kale waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.