Maxamuud Xaashi oo Kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Waxay ka Wadahadleen

KULANKA MAXAMUUD XAASHI IYO WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA ONLINE 2021
KULANKA MAXAMUUD XAASHI IYO WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA ONLINE 2021

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga.

KULANKA MAXAMUUD XAASHI IYO WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA ONLINE 2021
KULANKA MAXAMUUD XAASHI IYO WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA ONLINE 2021

Kulankan oo ku qabsoomay qaab Online ah, iyadoo la adeegsanayo Aaladda la iska arko ee loo yaqaano Zoom, ayaa waxa Maxamuud Xaashi ku wehelinayey Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa, kaas oo isagu ka shaqeeyay kulanka Amb. Nicolas iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulanka oo qabsoomay horraantii bishii dhammaatay ee February, 2021, ayaa sida aftahannews xogtan ku helay waxyaabaha lagaga wada-hadlay waxa ka mid ah doorashooyinka isku sidkan ee qorshaysan inay Somaliland ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan.

Wararka xog-ogaalka ah ee aftahannews soo xigatay, waxay sheegeen in shirkaas lagaga wada-hadlay Xanuunka Covid_19 oo dunida ku soo laba-kacleeyay, Nabadgalyada dalka, gaar ahaan Xaaladda Gobollada bariga Somaliland, maaddaama oo ay tahay xilli loo diyaar-garoobayo doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo hal mar la wada qabanayo.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku darayaan, inay jireen qodobbo kale oo ay ka wada-hadleen Safiirka Midowga Yurub iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, laakiinse qodobbadaasi kale, ayaa ahaa kuwo xogtooda aad loo ilaaliyey oo aannaan faahfaahin rasmi ah ka helin.

Maxamuud Xaashi oo sannadkii hore ka cadhooday Xisbiga Kulmiye, isla markaana aan ka qayb-gelib shirkii golaha dhexe Xisbiga Kulmiye oo qabsoomay Aktoober 2020, ayaa toddobaadkii ka soo dhex-muuqday Xaflad Kulmiye u qabtay Musharrixiin oo lagu qabtay magaalada Burco, isagoo sheegay inaanu ka bixin Kulmiye ee dooddiisii, dirirtiisii iyo dudmadiisii uun Dadku u qaateen inuu Xisbiga ka baxay, balse uu Kulmiye weli ka tirsan yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.