Maxaa sababay inuu is Casilo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland?

Axmed Yuusuf Maxamed
Axmed Yuusuf Maxamed

Hargeysa (Aftahannews)- Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Hay’addaasi uu ka hayay, isaga oo cadeeyey in uu u tartami doono kuraasta Golaha wakiiladda Somaliland ee doorashadda dhowaan dalka ka dhici doonta.

Maareeye Axmed Yuusuf Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Wakaaladda horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa sheegay in uu iscasilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha Somaliland 27-kii bishii February,isaga oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shaqaalaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinkaba uga mahadceliyey wada shaqayntii wacnayd ee dhex martay mudadii xilka uu hayey.

Axmed Yuusuf Maxamed
Axmed Yuusuf Maxamed

Axmed Yuusuf Maxamed waxa uu sheegay in uu xilkaas si ku meel gaadh ah usii hayn doono inta uu madaxweynuhu soo magacaabaayo maareeye cusub Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, sida uu sharcigu dhigaayo.

Dhinaca kalena Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdiraxmaan Suldaan Saxardiid oo halkaas ka hadlay  ayaa ku amaanay, ugana mahadceliyey  Maareyihii hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland shaqadii uu qaranka u soo qabtay mudadii uu xilka maareeyaha Wakaaladda Hayey iyo sidii ay usoo wada shaqeeyeen.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.