Muhaajiriin oo laga tuuray Doon ka baxday Jabuuti

Filed under: Wararka |

Djibouti (Aftahannews)- Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay ku sii jeedeen Yemen, iyaga oo rajeynaya inay gadhaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan.

Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege.

Muhaajiriin oo laga tuuray Doon ka baxday Jabuuti

Muhaajiriin oo laga tuuray Doon ka baxday Jabuuti

Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof.

Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, iyaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta.

Qaarkood ayaa marka ay gaadhaan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan iyaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan.

 

REUTERS

You must be logged in to post a comment Login