Ujeeddada Wefti ka socda Jarmalka oo Madaxda Somaliland kulan la yeeshay

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka waddanka Jarmalka u fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa maanta booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaanay Kulan la yeesheen Madaxeyne Axmed-Siilaanyo, Ku-xigeenkiisa iyo Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan.

WEFTIGA JARMALKA IYO MADAXDA SOMALILAND

SHIRKA JARAA'ID EE WASIIR SACAD IYO SAFIIR XIGEENKA JARMALKA EE NAIROBI Somaliland iyo Germal MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SAFIIR KU-XIGEENKA SAFAARADDA JARMALKA EE NAIROBI kulanka weftiga jarmalka iyo somaliland

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka dib markii uu dhammaaday kulan xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ku dhex-maray Masuuliyiinta iyo Weftiga Jarmalka ah, ayaa ka warbixiyey ujeeddada Weftigaasi u yimaaddeen Hargeysa iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen. halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso codka warkan.


 

Waxaa Kulankan Madaxweynaha ku wehelinaayey:-  1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahhi Ismaaciil (Saylici), 2.    Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, 3.    Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, 4.    Wasiirka Biyaha Mudane Xuseen Axmed Cabdulle iyo 5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali

 Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen:-  1.    Mr Christian Resch, Deputy Ambassador to GermanE,bassy Nairobi, 2.    Dr. Philipp Rock, Desk officer for German Federal Ministry for Co-operation and Development, Bonn. 3.  Ms Julia Kronberg, Deputy Head of Development Co-operation, German Embassy Nairobi, 4.  Mr Hendrix Linneweber, GIZ Country Director Kenya, Nairobi. 5.    Dr. Christoph Schaefer, Senior Country Manager East Africa, German Development  Bank KFW, Frankfurt am Main, 6.    Mr. Thomas Herzberg, German Development Bank KFW.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.