Somalia: Midawga Mushariixnta oo shaaciyey Goobaha ay isugu imanayaan Banaan-baxyaashu

Banaan-baxayaasha Muqdisho
Banaan-baxayaasha Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga abaabulka Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay goobaha ay isugu iman doonaan Banaan-baxayaasha.

Kulanka Guddiga waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro hore, Xildhibaano, iyo waliba Wakiilo ka socday Midowga Musharaxiinta iyo kooxo kale oo ka socday Xisbiyada oo qeyb ka ahaa abaabulka Banaanbaxa lagu waddo maalinta Sabtida ah inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Banaan-baxayaasha Muqdisho
Banaan-baxayaasha Muqdisho

Banaan-baxayaasha ayaa la faray iney isugu yimaadaan maalinta Sabtida ah isgoysyada kala ah, Fagax, Siinaay, Mirinaayo, KM4, iyo Isgooyska Soobe.

Waxa ay Guddigu sheegay in dadka isgooysyadaas ay isugu yimaadaan kadibna ay tagi doonaan Daljirka Daahsoon oo ah goobta ay isugu tagi doonaan dhamaan Banaan-baxayaasha.

Guddiga Banaanbaxa ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabadeed ammaankiisana ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya, Midowga Musharaxiintana ay lee yihiin dhigista Banaanbaxa.

Sidoo kale, waxay guddigu sheegeen inay u diyaarsan yihiin agabkii loogu talo galay la tacaalista Cudurka COVID-19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.