Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go’aamo cusub soo saaray

Gollaha Wasiiradda Somaliland
Gollaha Wasiiradda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiista Maanta, ayaa lagaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka isku sidkan ee soo foolka leh, dhexdhexaadnimada Warbaahinta Dawladda ee dhinaca Xisbiyada Qaranka, Xanuunka Covid_19 iyo Abaaro ka jira meelo ka mid ah Dalka.

War qoraal ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan “Kalfadhigii 71aad ee golaha wasiirada Somaliland oo uu guddoominayay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa laga soo saaray go’aamo taabanaya mawduucyo kala duwan.

Golaha ayaa amray hayadaha amaanka in la xoojiyo amniga maadama oo ay soo food leeyihiin doorashooyiin.

Gollaha Wasiiradda Somaliland
 Golaha Wasiirrada Somaliland
Gollaha Wasiiradda Somaliland
 Golaha Wasiirrada Somaliland

Golaha ayaa warbaahinta dawlada amray in ay u sinaadan mucaaridka iyo muxaafid kaba xiliga doorashada oo ay u cadaalad falaan.

Golaha ayaa go’aamiyay in guddidii abaaruhu dib u hawl gasho isla markaana guddi xaqiiqo raadin ah loo diro meelaha ay abaaruhu ka jiraan si biyo iyo raashin loo gaadhsiyo.

Golaha ayaa sheegay maadama oo ay jirto biyo yaraan soo noqnoqotay in xukuumadu sanadaha soo socda xooga saarto qodista ceelal biyood iyo biyo-xidheeno.

Ugu danbayntii warbixinta goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in si buuxda looso celinayo wacyigalintii xannuunka Covid 19 oo dib usoo laba kacleeyay.

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.