Xisbiga Waddani oo munaasibad soo dhawayn ah u qabtay Murashaxiinta Cabdilaahi Maxamuud Gaaxnuug Aar iyo Faarax Muuse Iimaan

Hargeysa (Aftahannews) —Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah u qabtay Murashaxiinta Cabdilaahi Maxamuud Gaaxnuug Aar iyo Faarax Muuse Iimaan oo u kala tartamaya doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka Somaliland.

Munaasibadan oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro iyo dadweyne aad tiro badan.