Kulankii uu Farmaajo ku baaqay oo laga cabsi qabo inuu baaqdo

Markii saddexaad ayaa laga cabsi qabaa inuu baaqdo kulan uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeedhay madaxda maamul goboleedyada.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa qoraallo ay soo saareen xalay ku qaadacay kulankaas, waxayna ku baaqeen in kulan kasta oo ku saabsan arrimaha doorashada lagu qabto meel amni ah, iyada oo Puntland ay si gaar ah u dalbatay garoonka Aadan Cadde.

Haddaba hoos ka dhagayso wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya