Maamulka Dugsiyadda Nuuradiin oo kada hadlay Banaanbax ay dhigeen Ardayda Dugsigaasi

Hargeysa (Aftahannews)- Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay wax uga dhaceen qaybta Wiilashada ee Dugsiga Sare ee magaalada Hargeysa iyo khasaaraha la gaadhsiiyey dhismaha iyo Agabka dugsiga.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiinta ugu sarreysa dalladda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Al-Fajri, ayaa gelinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadlay, waxaanu si faahfaahsan oga warramay qaabka ay maanta wax uga dhaceen Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilashada oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Mahad Ibraahim waxa uu sheegay in baadhitaan lagu samayn doono dhacdadan iyo cid kasta oo ka dambaysay ama ku lahayd.

Warkan oo faahaahsan iyo Hadallada Maamulaha Guud ee Nuuradiin Schools iyo Masuuliyiinta Dalladda Waxbarashada ee Al-Fajri kaga bogo oo ka daawo Muuqaalka Hoose oo soo bandhigaya xaddiga khasaaraha soo gaadhay dugsiga.

Dhacdadan ayaa timi kaddib markii Qaybta Wiilasha ee Dugsiga Sare ee Nuuradiin qaybtiisa Jigjiga ay bannaan-bax khasaare maaliyadeed sababay sameeyeen ardayda dugsigaas qaarkood, kuwaas oo sida la sheegay ka soo horjeestay go’aan maamulka dugsigu ku eryey mid ka mid ah ardayda oo sida la sheegay qoraallo cabasho oo dugsiga ku saabsan ku faafiyey baraha bulshada.

Ardayda gadoodday ayaa khasaare gaadhsiiyey agabka iyo dhismaha dugsiga iyo gaadiid ay leeyihiin macalimiinta dugsiga qaarkood.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.