Af-hayeenkii Madaxtooyadda Somaliland oo Is Casilay

AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD WARSAME JAAMAC 2020
AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD WARSAME JAAMAC 2020

Hargeysa (Aftahannews)- Af-hayeenkii madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac la hadlaayay warbaahin ayaa shaaciyay inuu baneeyay xilkii af-hayeenimo maadaama oo uu yahay murashax u taagan golaha wakiilad ee gobolka Sannaag.

Maxamuud Warsame wuxuu xusay in xil banayntiisa ay keentay in aanu xeerka doorashooyinku ogolayn in cida u taagan qabashada jaggo kale aanay aanay hayn karin xil qaran.

Af-hayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac wuxuu dadweynaha ku nool gobolka Sannaag u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, doortaana murashixiin ka shaqeeya horumarkooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.