Al-shabaab oo Toogatay Shan Ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen CIAda Mareykanka

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Ururka Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah ku toogtay shan ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xidhiidh wada shaqayn ah la lahaayeen CIAda Mareykanka.

Goobta fagaaraha ah ee ay ku toogteen Shanta Ruux ayaa waxaa isugu yimid dadweyne faro badan oo ay Al-shabaab ay ugu baaqeen in ay u soo daawasho tagaan fulinta toogashada, mana aha markii ugu horaysay oo sidan oo kale ay sameeyaan Al-shabaab.

Al-shabaab
Al-shabaab

Ragga ay toogashada ku fuliyeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay ”Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka. Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Hore sidan oo kale Al-shabaab ayaa qeybo badan oo ka mid ah dalka ku fuliyay dilal noocan oo kale dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin jawaasiis u basaasa hay’addo shisheeye iyo dowladda Soomaaliya,laakiin marnaba ma soo bandhigaan caadeymo arrimahaa muujinaya ama qiraada dadka ay toogashada ku fuliyaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.