Somaliland: Beel go’aansatay go’aaminta Siyaasiyiintooda

Hargeysa: Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad xogagaal ahi Waxgaradka, Haldoorka iyo Madaxdhaqmeedka beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse) ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin xalay ku yeeshey magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu falanqeeyey qodobo xasaasi ah oo ay beeshaasi ku talo-jirto inay si wadda-jir ah go’aamo uga soo saarto.

Shirkaas ayaa intiisa badan lagu gorfeeyey qaabka ugu haboon ee ay u qabsan lahaayeen shirwaynihii ay hore u iclaamiyeen oo ay go’aansadeen in si degdeg ah loo dardar-galiyo, kuwaas oo sida ay xogaha laga helayo kulankaasi tibaaxeen lagu naaqishay danaha siyaasadeed ee beeshaasi.

Haldoorka kulankaasi iskugu yimid oo sida la sheegay ay gadh-wadeen ka ahaayeen Madaxda dhaqanka ee beesha Makaahiil iyo Xildhibaanka golaha guurtida ugu jira beeshaasi, kuwaas oo isku afgartay inay beeshu wali ku taagan tahay go’aankeedii hore ee ay ku qaadaceen saamigii xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye-ba ay beeshaasi ka heshay oo ay si wayn iskugu raaceen inuu cad quudheed yahay, kuwaas oo sida tibaaxuhu xusseen ku dooday in dhawaan shir ay beeshu ku qabsan doonto magaaladda Hargeysa laga soo saari doono go’aamo ku taxaluqa danaha beesha iyo halka ay taageeradeeda iskugu biyo shuban-doonto iyo inay taageeradii si rasmi ah ugala noqdeen xisbul-xaakimka iyo xukuumadda Siilaanyo-ba.

Sidoo kale shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogalayn warbaahinta ayaa sida tibaaxaha laga helay ay Haatuf u iftiimiyeen lagu soo qaaday taageero ay beesha waydiisteen axsaabta mucaaridka iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaga la sheegay inuu si cad taageero u waydiistay beesha Makaahiil balse lagu wargaliyey inuu ka dhur-sugo go’aamada shirkooda.

Shirkan ayey madaxda ka soo qaybgashay oo ay ka mid ahaayeen Ugaaska guud ee iyo labadda Suldaan ee beesha Makaahiil, Xildhibaanka guurtida ugu jira iyo xubno ka mid ah ganacsatada iyo waxgaradka beeshaasi, kuwaas oo isku afgartay in todobaadada soo socda si rasmi ah loo iclaamiyo xiliga shirka beeshu iskugu iman doonto la qaban-doono, isla markaana sida ay tibaaxuhu sheegeen inay qaybihii shirkaasi ka qaybgalay ay isku waafaqeen in siyaasiyiinta mar walba matala beeshaasi ay hagradeen danaha beeshooda, kuwaas oo dano gaar ah ka door-biday danta caamka ah.

Shirkaas Beesha Makaahiil Isaaq la sheegay inuu dhawaan magaaladda Hargeysa uga furmi doono ayaa sid la sheegay in lagu soo casuumi doono guud ahaan qaybaha bulshadda ee beeshaasi kuwooga dalka jooga iyo kuwa dibada ku maqanba, taas oo sida xubnaha hormoodka ahi ku doodeen laga soo saari doono go’aamo ku taxaluqa halka ay danta beeshaasi ku jirto mucaarid iyo muxaafidba inay cududooda iyo taageeradoodaba ku caawin doonaan.

Xigasho Haatuf.net.