Wasiirka Maaliyada Ethiopia oo ka hadlay Hanaanka lagu Madax-banaanaynayo Isgaadhsiinta Dalkaasi

Filed under: Wararka |

Addis Ababa (Aftahannews) – Wasaaradaha Maaliyada iyo Isgaadhsiinta Ethiopia ayaa bilaabay shir lagaga hadlayo geedi soodka madaxbanaanaynta hanaanka isgaadhsiinta ee dalka Ethiopia.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ah ayay ujeedadiisu tahay in macluumaad la siiyo ama ay isku dhaafsadaan qandaraasleyda daneynaya, iyo in lagaga jawaabo su’aalahooda ku saabsan geeddi-socodkan.

Wasiirka Maaliyadda, dalka Ethiopia, mudane Axmed Shide, ayaa sheegay in furitaanka waaxda isgaadhsiintu ay horseedi doonto tartan caafimaad qabta oo ka dhalan doona adeegyada isgaadhsiinta oo la hagaajiyo iyo helitaanka sare ee u sahlaya Itoobiya inay kordhiso fursadaha isbadal ee ay soo bandhigtay dhaqaalaha casriga ah ah.

Wasiirka Maaliyada Ethiopia, Axmed Shide

Wasiirka Maaliyada Ethiopia, Axmed Shide

Wufuudda Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Horumarinta iyo Teknolojiyada, Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Guddiga Maal-gashiga Itoobiya, iyo Ethio-Telecom ayaa kaga qayb-galay shirka habka maqal-araga ama fiidiyowga, iyagoo ku soo bandhigaya warbixinno muhiim u ah ka qayb-galayaasha ixtiraamka leh ee doorkoodu yahay qaybta isgaadhsiinta.

Shirkado isgaadhsiin caalami ah oo sumcad iyo khibrad leh ayaa kaqeyb galay shirka jawaabaha su’aalaha ay soo jeediyeenna waxaa bixiyay wakiilada dowlada iyo khubarada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login