Golaha Guurtidda oo Dood ka yeeshay Xaaladda guud ee dalka

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda guud ee dalka, kaas oo ka mid ahaa qodobada ajandaha kal-fadhigooda 74aad oo ay golahaasi falan-qayntiisa ku jiraan.

Fadhigaas oo ushirgudoomiyaayay gudoomiyha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanadii doodaas ka qayb-qaadanaayay sheegeen in xaaladda guud ee nabadgelyada Somaliland ay fiican tahay, loona baahan yahay in shacabku sii xaaojiyaan la shaqaynta laamaha amaanka ee dalka,.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Dhinaca kale mudanayaasha golaa waxay ka doodeen dhibaatada ay qabyaaladu ku yeelan karto horumarka dalka, waxaanay guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ka dheeraadaan adeegsiga qabyaalada, maadaama oo uu dalku galay xaalad doorasho, lana rabo in la soo doorto goleyaal ka shaqeeya horumarka iyo samaynta shuruuc qaranka wax tar u yeelata.

Ugu dambayn xildhibaanada golaha guurtidu waxay bogaadiyeen hawl-galo ay dhawaan sameeyeen ciidanka laanta socdaalka Somaliland, kuwaas oo ka dhan ahaa dadka dalka ku jooga sifada sharci darada ah, oo ay ku sameeyeen baadhitaano iyo hubin sifaha ay dalka ku joogaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.