Mareykanka oo cambaareeyay Tacaddiyada laga geystay Gobolka Tigray

Wahington (Atahannews)- Dowladda Mareykanka ayaa cambaareeyay tacaddiyada la sheegay inay ka dhaceen gobolka Tigray isla markanaa wuxuu ugu baaqay Midowga Afrika inay xal u raadiyaan ‘xaaladda sii xumaaneysa’ ee ka taagan gobolkaas.

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay xaaladda banii’aadimo ee kasii dareysa” ayuu yidhi Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Wuxuu soo dhaweeyay ballanqaadka dowladda Itoobiya ee ku aadan in taageereyso gargaarka loo fidinayo shacabka Tigray iyo baaqyada caalamiga ah ee ku saabsan in la baadho tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.

Warbixin kasoo baxday ha’yadda Amnesty ayaa lagu sheegay inay dhici karto in dambiyo dagaal la geystay Tigray.

Amnesty ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea in boqolaal qof ay ku dileen magaalada qaddiimiga ah ee Aksum intii u dhexeeysay 28-dii iyo 29-kii bishii Nofeembar.

Dowladda Eretariya ayaa beenisay eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horaantii bishii November amar ku bixiyay in dagaal lagu qaado gobolka Tigray oo ay maamulkiisa gacanta ku hayeen xisbiga TPLF, kaddib markii xoogaggooda ay qabsadeen saldhig ay gobolkaas ku lahaayeen militariga federaalka.

30-kii bishii November ayuu baarlamaanka u sheegay in “aan hal qof oo shacab ah la dilin” intii uu howlgalkaas socday.

Adeeggii isgaadhsiinta iyo korontada oo ka go’naa gobolkaas ayaa suurtagalin waayay in warar madax bannaan laga helo dagaalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.