Biden oo la filayo in uu ka hadlo Warbixinta ku saabsan dilka Khaashuqji iyo Sucuudiga

Joe Biden iyo Maxamed Bin Salmaan
Joe Biden iyo Maxamed Bin Salmaan

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Isniinta maamulkiisa uu ka hadli doono xaaladda Sucuudiga kadib warbixintii ay soo saareen sirddoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Jamaal Khaashuqji.

Markii Biden wax laga weyddiyay, su’aasha ku saabsan in tallaabo laga qaadi doono Maxamed Bin Salmaan iyo in kale, wuxuu ku jawaabay “In Isniinta ay war kasoo saari doonaa waxa laga yeelayo Sucuudiga”

Joe Biden wax faahfaahin ah kama aanu bixin waxyaabaha ay ka hadli doonaan ee ku aadan dilka Kaashuuqji.

Joe Biden iyo Maxamed Bin Salmaan
Joe Biden iyo Maxamed Bin Salmaan

Shaley ayay aheyd markii sirdoonka Mareykanka uu sheegay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysay in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.