Madaxweyne Deni oo ka hadlay Xadhiga Weriye muddo u Xidhan Maamulkiisa

Madaxweyne Siciid Deni
Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhiga weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan oo muddo ka badan laba bilood ah ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay shirweynaha ururka saxaafadda Puntand ee MAP, ayaa sheegay in weriyaha loo haystay dambi uu galay, balse wuxuu tilmaamay in baadhitaankiisu uu dhamaaday oo xoriyadiisa dib u helidoono.Madaxweyne Deni ayaa sheegay in weriyayaasha dambi la galiyo iyadoo looga faaidaysanayo daruufaha ay ku shaqeeyaan.

Madaxweyne Siciid Deni
Madaxweyne Siciid Deni

Weriye Kilwe ayaa kasoo muuqday maxkamada ciidamada Puntland, waxaana loo haystaa dambiyo ay kamid yihiin been abuur iyo kicin dadweyne.

Ururka MAP ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhigiisa, wuxuuna hay’addaha garsoorka ka dalbaday in ay weriyaha hadduu dambi leeyahay maxkamad lasoo taago ama in xoriyadiisa loosoo celiyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.