Warbaahinta Somaliland oo looga Digay ka hadalka Arrimaha Ciidamadda

Hargeysa (Aftahannews)- Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada warfaafinta ee Somaliland, ayaa loogaga digay warbaahinta Somaliland ka hadalka arrimaha ciidamada oo ay dowladu ku andacootay in xeerka saxaafada ee Somaliland uu mamnuucay.

Warsaxafadeedka ay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland soo saartay ayaa u dhignaa sidan:-

Wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa ka dhexeeya xidhiidh wada shaqayneed oo ku dhisan dhaqanka iyo xayndaabka dastuuurka, iyo ilaalinta xeerka saxaafada, ee lambar 27/2004 ee jamhuuriyada Somaliland waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee dalka.

Waxa jira hayado warbaahineed oo cadaystay qod  qodista ciidamada qaranka oo ay ka midyihiin HCTV iyo Bulsho TV, kuwaaso ku gafay una badheedhay jabinta xeerka saxafada ee lamber 27/2004, qodobka 10aad ee sheegaya masuuliyada saxaafadda farqadiisa labaad iyo qodobka 13aad ee tilmaamaya raadinta xaqiiqada, farqadiisa (a) oo ay ku cad yihiin gafafka ay ku kaceen HCTV iyo Bulsho TV hasa yeeshee waxa u banana oo uu isla qodobkaa 13aad farqadiisa (b) waajibinaysaa, sida ay u saxayaan markay warbaahintu faafiso warar aan sugnayn sida kuwa aan horay usoo sheegnay.

Xogaha marin habaabinta ah ee aan hore usoo xusnay ee ay baahiyen HCTV iyo Bulsho TV, waxa ay sidookale jabiyeen oo ay ku gafeen qodobka 34aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo qeexaya waajibaadka muwaadinka iyo ciqaabta gudasho la’aanta waajibaadkaa.

Sidaa darteed annagoo tixgalinayna xeerka saxafada ee lamber 27/2004 qodobka 13aad faqradiisa (b) waxa aanu fursad u siinaynaa HCTV iyo Bulsho TV sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay muddo laba maal mood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda aan soo xusnay ay fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad farqadiisa (b) haday dhagaha ka furaystaan sida uu xeerka saxafadu farayona waxa laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan.

Wasaarada warfaafintu waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo ay kamid yihiin mareegaha iyo baraha bulshadu, in ay faraha kala baxaan arrimaha ciidamada ee uu xeerka saxafadu reebay, oo u jeedada laga lahaa tahay, si aanu cadawgu wax uga ogaan sirta iyo xaaladaha ciidamada ee gudaha.

Cidii ilaalin wayda dhaqanka, xeerka saxaafada iyo dastuurka dalka ee faraha kala bixi wayda arrimaha ciidamada waxa laga qaaadi doona talaabo sharci ah oo aan ka noqosho lahayn.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.