Somalia: Qodobbada Heshiis ay wada gaadheen Dowladda iyo Midawga Musharrixiintu

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Musharraxiinta ee Mucaaradka ah, ayaa Caawa heshiis ku gaadhay magaalada Muqdisho, waxaanay kulan maanta u furmay ay dood iyo falan-qayn dheer ka dib, Caawa ku kala saxeexdeen heshiis hor-dhac ah.

Qodobbada lagu heshiiyey waxa ka mid ah in Dawladdu raalli-gelin ka bixisay dhbaatadii ka dhalatay dibed-baxii hore ee Ciidammada Dawladdu xoogga ku muquuniyeen, waxaana sidaasi si la mid ah midowga Musharraxiintu baajiyeen dibed-bax u qorhaysnaa inay Jimcaha Berri ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey heshiiska hor-dhaca ah ee labada dhinac wada gaadheen ayaa u qornaa sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Febraayo,2021 waxaa shir isugu yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharaxiinta.

Wada xaajood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay qodobbada soo socda:-

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.
  2. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.
  3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed. 
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib loo dhigo Mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021. 
  5. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wada jir ah.
  1. Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.