Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Digniin u diray Shaqaalaha Garsoorka Dalka

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Shaqaalaha kala duwan ee Hay’adaha Garsoorka uga digay inay ku dhex-milmaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Wareegto uu Khamiistii maanta ee 25-ka bisha Febraayo 2021 soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayuu ku sheegay in xeerar waajibinayaan inaan Shaqaalaha Garsoorku qayb ka noqon ololaha iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka madaxtooyada, golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland oo dhan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Wareegtada uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxay u dhignayd sidatan:-
“Wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2021 soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa uga digay shaqaalaha maxkamadda sare in ay ka qayb qaataan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.
Iiyadoo ay ka reebayaan sharciga iyo xeerka nidaamka garsoorku tartanka dhaq-dhaqaaqa ololaha doorashada ee deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyada.
MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND EE MAGAALADA HARGEYSA
MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND EE MAGAALADA HARGEYSA
16-kii bishan ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalku wareegto ku socodsiisay, dhammaan guddoomiyayaasha maxkamadaha Racfaanada iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee gobolada dalka si loogu wargaliyo reebanaanta ka qayb-qaadashada dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka.
Waxaana lala socodsiiyay in cidda garsoorka ka mid ah, ee danaynaysa in ay ka qayb noqoto goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda ay shaqada dawladda iska casisho 90 maalmood ka hor muddada doorashada, halka xubinta u hoggaansami wayda amarkaasina laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.” sidaa ayuu lagu yidhi warka xambaarsan wareegtada Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee lagu baahiyey Bayjka Maxkamadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

.