Midawga Musharrixiinta iyo Raysal-wasaare Rooble oo Shir Muqdisho uga Furmay, Maxaa lagaga Hadlay?

SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021
SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021

Muqdisho(aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharrixiinta ku midaysan Midawga Musharrixiinta Madaxtinnimada Soomaaliya, ayaa Khamiistii maanta kulan uga furmay magaalada Muqdisho.

SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021
SHIRKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA IYO RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA 2021

Shirkan labada daraf ah ee Muqdisho uga furmay inta badan xubnaha Midawga Musharrixiinta Soomaaliya iyo Raysal-wasaare Rooble, waxaa ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle.

Ajandaha Shirka ayaa la xidhiidha xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo rabshadaha ka dhashay doorashada la’aanta iyo muddo-xileedka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday 8-dii bishan Febraayo 2021-ka iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa inuu galo qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.

Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shirkan hore ugu baaqay, isaga oo sheegay inuu la fadhiisanayo cid kasta oo dowladda wax ka tabanaysa, iyaga oo Midawga Musharrixiinta madaxtinnimada hore u diiday kulammada uu ku baaqay.

Hase-yeeshee, waxa la filayaa in mar haddii lays hor fadhiistay, doodo iyo falanqayn laga yeesho sidii xal loo heli lahaa, isla markaana looga arrinsan lahaa doorashooyinka Madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka oo dhammaan muddo-dhaafay, welina aan habkii loo qaban lahaa heshiis lagu ahayn ee khilaafaad badani hadheeyey.

Shirkan maanta Muqdisho uga furmay Midawga Musharrixiinta iyo Raysal-wasaaraha federaalka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor iyaga oo Midawga Musharrixiintu ku baaqay in berri oo Jimce ah Muqdisho laga dhigo Bannaanbax ka dhan ah muddo-dhaafka iyo doorasho la’aanta Madaxweynuhu ku fadhiyo ee aan heshiiska lagu ahayn.

Jimcihii hore, ayey ciidammada dowladdu Huteel Ma’ida ee maalada Muqdisho abbaaro kawdii habeennimo iyo daqiiqado ku weerareen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladooda oo ku sugnaa Huteelkaas oo u dhaw Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho oo Bannaanbax ay Subaxdii Jimce ee 19-kii bishan kaga qaybgeli lahaayeen, iyaga oo sidoo kale ciidammada dowladdu Rasaas nool kala hortegay Bannaanbaxayaal ay hor socdeen dhawr Musharrax oo Midawga Musharrixiinta ka mid ah, si ay u gaadhaan Daljirka Dahsoon oo lagu ballansanaa in bannaanbax laga sameeyo.

Hase-yeeshee, Midawga Musharrixiinta oo ku adkaysanayey inay samayn doonaan Jimcaha Berri ee 26 Febraayo 2021, balse dowladdu ay amartay inaan wax bannaanbax ah la isugu iman karin, isla markaana ay ka hortegi doonaan ciidammadu haddii amarka dowladda dhegaha laga furaysto, ayaan la ogeyn inuu baajin doono Shirka Maanta dhexmaray Xukuumadda iyo Musharrixiinta iyo kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdiisho/Somalia.