Xildhibaan Nacnac oo Ku Baaqay in Maxkamad la Taago Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa ku baaqay in Maxkamad la soo taago Taliyaha Ciidammada Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.

Waxa uu Xildhibaan Nacnac ku eedeeyey Taliyaha Millaterigu inuu dayacay oo aanay daryeelka ay mudan yihiin ee ka caafimaadku ugu horreeyo ka helin Ciidanka Qaranka ee Jiidaha hore ku sugan, isaga oo tusaale u soo qaatay Askari xaalad caafimaad-darro oo culus oo laga soo qaaday Fadhiisimada ciidanka ee Tukaraq ee Bariga gobolka Sool.

Xildhibaan Nacnac oo Arbacadii maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.