“Annaga iyo Yaryaro..!” Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

MUUSE FAARAX JAAMBIIR
MUUSE FAARAX JAAMBIIR

Farsamo-yaqaansanaa ma Injineer isnacay oo aqoonta dhismaha ku wadhwadhaybaa. Farshaxansanaa ma naqshadeeye ‘designer’ wacan baa, mise malaha waaba architect Eng qurxinta iyo qorshaynta magaalooyinka looga danbeeyo. Durba roori ogaa, soo rogaal fududaa, maxay doontay? Maxay la soo noqotay? Fiirsi iyo feejigo badanaa, goormaa dagnaan lagu helaa?

MUUSE FAARAX JAAMBIIR
MUUSE FAARAX JAAMBIIR

Xaf yaraa xeelad badanaa, fiicanaa fududaa, cir yaraa cir waynaa, bidhaan yaraa booda dheeraa, qoob yaraa qadhaab badanaa, ilyaraa arag dheeraa, nabad jecelaa nuuxsi badanaa, ilwaad wacanaa awlaad jecelaa, caqli badanaa cimri yaraa, xarrago badanaa xilloodin wacanaa, gaarisanaa guri jecelaa, dhaad yaraa dhisi ogaa. ‘Yaryaro’ mucjiso badanaa! Waa abuur qaaya badan oo waxbarasho ugu filan, kuwa xilku ka saaranyay ee nolosha  adduunyo khaliifka looga dhigay.

Hiirta waaberi, digta salaada subax, marka kaaha libdhadu dhanka bari ka oogsado, eedaanku yeedho, Diiggu daakiro, jabaqda codadka kala hab dhaca ah ee shimbiraha isku darkoodu isla qabsado ee uu kaabo, amintaa camal aduunyo mid aakhiraba loo tooso ee nin hurdada sii jeclaystay sedkaa seego, laxan sameeye raacdo cod ku jiraa, hadduu jiifka ka kaco baadiduu raadinayay ma ka dhex helayaa? Si la mid ah, Yaryaro’ iyo bahdeeda qof dhugta ama dhegaystaa dheeraad nolosha wax ma ka korodhsan karaa xirfad ahaan iyo qorshe ahaanba?.

DHISMIHII AQALKA;

Qiyaastii sedkeedaa soo  dhawaaday. Caloosheeda looma jeedo oo dul ka muuqad lagu garto ma laha, degelkay joogto ummada ku noolna duulduulkeedu macno badan uguma fadhiyo. Bayoolaji ahaan iyo nolol ahaan inay wax ka ogaadaana waqti umay waayin, haddana uma hayaan. Uur-qaadkeeda iyo oof-qaadkeeda ma kala oga, qaarkood waaba la col oo didinteeday millay kasta heegan u yihiin. Abuurka hore markay iniinta dhulka ku ridayaan waxay  yidhaahdaan; “Amar alle ku bax, Ilaahay iddankii ku biqil, dad iyo duunyo intii calaf kugu lehba u bax” Markay, bislaato ee gurasho joogtana saamigeeda lama siiyo, waa loo diidaa oo beerwale inay boobto mooyee, waxba uma ogola. Sidaasay ku colloobeen oo iyana weerarka iyo xatooyada kama deyso, isna wadhafka kama dhigo, dad intiisa kalena tirsiimo uguma jirto, col iyo nabad midna maaha, dushoodaa iyadoo hawada leeddaynaysa inay arkaan mooyee.

Hawl adag bay iyada iyo odaygeedu ku jireen, wuu duulaa, iyana waa ka daba duushaa, mashquul bay ahaayeen, minankay ku dihan lahayd bay dhismihiisa ku foognaayeen, dhig iyo loolba hu’ dhaqan bay falkinayeen. Badi, dhiska aqalka ninkaa waday, iyana way ku ilaalinaysay, kolkuu meel gufeeyaba, way uga dambaysaa, gashaa, eegtaa, ka soo baxdaa, kadib dhaliisha u sheegtaa, kormeerkaasay la daba joogtay. Ka hor, intaanay udubka joojin, waxay sahamiyaan bartay ka taagayaan, taasaa dhankooda  dhismaha kaga hawl badan. Shuruudo badan bay u eegaan baloodhkay degayaan, mid waafaqsan mooyee, mid kalena samaydooda kuma furaan.

Waxa ugu muhiimsan ee ay ooshooda u eegaan waa amniga, goob banaan oo belaayo kale oo lala maago mooyee aan cadowgoodu soo hawaysan karin ayay bustaha dhigtaan. Maaha, sida dadka biyo mareennada iyo  jiddadka dega ee marka daadku qaado dhibtay dariiqeeda jiifsadeen ka cawda iyo xilqaadkooda daad mareennada iyo waddooyinka u dhulleeya.

Hilaaddii, goor ay sahankaa sugeen oo ay dhismihii wadaan, yacay iyo asgogol dhigiina aanay weli gaadhin ayaa arragayagu la kulmay. Labadayadu, ismaanu ogayn ee midkaayaba goonidiisu ashqaraarka hawshay ku jireen ugu fogaaday. Dhaayahayaga iyo dhoygayaguba wuxuu ku xasilay xarakaadkooda iyo siday hoyga quruxda badan u aslayeen. Maqal iyo milicsiba waanu ka dhoofnay la socodka wixii kale ee ku xeeraa halkaanu fadhinay, ka hor intaanuu yeedhin eedaanka salaada duhur oo na soo celiyay. Alla! fogaydaa dunnidii aanu daawashadeeda ka soo noqonay, aniga iyo Maxamed Nuux.                                            Qalinkii: Muuse Faarax Jaambiir.  #Hayaannews.

Afeef: Akhriste, raali ka ahow waxaad u aragto inay ka khaldan yihiin, adeegsiga afka qoraal ahaan iyo xulasho ahaan labadaba ama aad u aragto inay dheeraad ku yihiin Shimbiraha iyo dhaqanka noloshooda, siiba sifaha ta sheekadu u dhacayso. Sababtoo ah, waxba kama aqaano hiddaha cilmiga shimbiraha.

 

Muuse Faarah Jaambiir

Hargeysa/Somaliland.