Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo Tabobbar u Soo Xidhay Suxufiyiin Habka Xog-baadhista la Baray

WERIYEYAAL HARGEYSA URURKA SOLJA TABOBBAR UGU QABTAY 2021
WERIYEYAAL HARGEYSA URURKA SOLJA TABOBBAR UGU QABTAY 2021

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 15 Weriye oo ka kala socday gobollada dalka, isla markaana ka hawlgala Warbaahinta kala duwan, ayaa Tabobbar la xidhiidha habka baadhista iyo dabagalka Xogta ugu soo gebo-gabeeyey Hargeysa.

WERIYEYAAL HARGEYSA URURKA SOLJA TABOBBAR UGU QABTAY 2021
WERIYEYAAL HARGEYSA URURKA SOLJA TABOBBAR UGU QABTAY 2021

Tobbarkan oo uu qabtay Ururka SOLJA oo kaashanaya Hay’adda DATA4CHANGE, ayaa Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ka socday muddo laba maalmood, ayaa si heer sare ah loogu tabobbaray, isla markaana looga xog-siiyey sida xogta loo baadho iyo sida loo xaqiijiyo.

Ku-simaha Agaasimaha Maamulka ee Ururka SOLJA Ilyaas Cabdillaahi oo ugu horreyn xidhitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha lagu tabobbaray Weriyeyaasha, waxaanu yidhi; “Tabobbarka aynu qaadannay, oo koobsanayey afar waaxood oo kala ah; ururinta xogta, nadiifinta xogta, turjimidda xogta iyo xidhiidhinta xogta oo ah in qofku xogtii uu haystay si qurux badan oo habboon u gudbin lahaa.”

“Tabobbarkan oo sidii kii hore la mid ah oo loo soo turjumay afkeenna Hooyo ee Soomaaliga oo socday laba cisho, oo aynu wax badan ku kala faa’iidaysannay, waxaana xusid mudan inaad dhammaantiin mutaysateen inaad heshaan Shahaadooyinka dhammaystirka tabobbarkan.” Sidaa ayuu yidhi Ilyaas Cabdillaahi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo xidhitaankii tabobbarkaas hadal ka jeediyey, waxa uu mahad-naqay dedaalka ay muujiyeen Weriyeyaashu. “Gobollo kala duwan baad ka timaaddeen, ujeeddada sidaas loo sameeyeyna waxay ahayd in dad kala duwan oo xogta qaadi kara oo meelo kala duwan ka yimi tabobbarka ka soo qaybgalaan.” ayuu yidhi Sakariye.

Waxaanu Guddoomiyaha SOLJA waxa uu sheegay in kulammada tabobbarka laga faa’iido aqoon iyo is-dhexgal Bulsho amma Saxaafadeed. Sakariye oo ka hadlaya muhiimadda tabobbarkan waxa uu yidhi; “Markasta oo meelo kala duwan laga soo codsado amma laga yimaaddo oo laga soo qaybgalo Tabobbarka, farriintaasi waxay ku dhex fidaysaa Bulsho kala duwan, si taasi u timaaddana waa inay Weriyeyaal ka kala yimi gobollada Tabobbarka ka soo qaybgalaan.”

“Culuunta amma casharrada aad halkan ku qaadanayseen waa kuwo si weyn u anfacaya shaqada aynu hayno ee Warbaahinta, waayo? Waxa ugu muhiimsan ee aynu ka shaqaynaa waxa weeye inaynu xog la wadaagno Bulshada, xogtaasina waxay u baahan tahay inay nidaam marto oo marka xogta la helo la kala shaandheeyo oo la kala hufo, ka dibna inta ugu muhiimsan oo xataa Qofka diyaariyey fahmi karo aad gudbiso, waayo?  Xogta aad diyaarisay haddaanad adigu fahmi karin cidda aad u gudbinaysaana ma fahmi karto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA Sakariye Axmed Muxmed oo Weriyeyaasha u soo jeediyey inay Saaxiibbadood uga faa’iideeyaan aqoonta ay korodhsadeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.