Guddiga Doorashooyinku Maxay Kala Hadleen Weftiga Beesha Caalamka iyo Xisbiyada Somaliland?

GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO WAFTIGA DUNIDA OO HARGEYSA KU KULMAY 2021
GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO WAFTIGA DUNIDA OO HARGEYSA KU KULMAY 2021

Hargeysa(Aftahannews):-  Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Arbacadii Maanta Kulammo la yeeshay Wefti ka socda Beesha Caalamka iyo Madaxda Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo  UCID, waxaanay ka wadahadleen qodobbo muhiim ah.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO WAFTIGA DUNIDA OO HARGEYSA KU KULMAY 2021
GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO WAFTIGA DUNIDA OO HARGEYSA KU KULMAY 2021

Guddiga doorashooyinku Qoraallo ay ka soo saareen kulammaddaas oo nuqullo ka mid ahi soo gaadheen Warbaahinta aftahannews, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha ay darafyadaas ka wadahadleen.

Ugu horreyn qoraal kooban oo la xidhiidha kulanka Xisbiyada, ayaa si kooban loogu yidhi; “Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Kulan la qaatay Axsaabta Qaranka iyagoo kala hadlay Xeer-Nidaamiyayaasha & Habraacyadii ay u sameeyen Xulida Musharixiintooda, taasoo ah tallaabo uu waajibiyey Xeer Lr. 91/2020.

Qareennada Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa iyaguna Axsaabta u sharaxay Hannaanka Xeerku rabo inay Axsaabtu wax u xulaan.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray Kulanka Komishanka iyo Xisbiyada.

Geesta kale, Kulanka dhex-maray Guddiga doorashooyinka iyo Waftiga Beesha Caalamka, ayaa War luuqadda Ingiriisida ku qornaa oo bahda aftahannews soo turjuntay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Xarunta Komishanka dooroshooyinka  ee magaalada Hargeysa, waxa maanta  kulan ku dhex-maray Weftiga ka socdaa Beesha Caalamka ee UK, Denmark, Sweden, Germany, Finland, Norway, European Union iyo Qaramada Midoobay.

Guddiga dooroshoyinka iyo Waftiga, Kulankan dhexmaray, ayaa inta badan diiradda lagu saaray doorashooyinka soo socda ee deegaanka & Wakiillada. Iyada oo laga duulayo horumarka uu Komishanka doorashooyinka Qaranku ka gaadhay diiwaangelintii Cod-bixiyaha iyo ka-qaybgalka loo dhan yahay ee Haweenka, Dhallinyarada iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

Labada dhinac waxay ka wada-tashadeen arrimo badan oo muhiim ah. Wada-shaqeyn dhaw oo u dhaxeysa Komishanka iyo Beesha Caalamka oo ay ku jiraan Waddamada iyo Ururrada Caalamiga ah ee Somaliland ka tageera dooroshoyinka, ayaa sidoo kale la isku raacay.

Kulankani wuxuu ahaa horumar la taaban karo oo ku aaddan iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ee ku saabsan arrimaha Geeddi-socodka doorashooyinka iyo dimuquraaddiyadda.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkan kulanka dhexmaray Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Waftiga Beesha Caalamka oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Hargeysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.