“Qisadii Jigjiga & Qalbi-xanuunkii ..!” W/Q: Cabdinaasir Axmed Abraham

Cabdinaasir Axmed Abraham
Cabdinaasir Axmed Abraham

Nin caydh ah ayay xaaskiisu ka xannuunsatay goobtu waa Jigjiga, muddo dheer ayay afadu bukaan jiiftay, qalliin dhabarka finka soo baxay lagaga sameeyay ayaa raysan waayay.

Cabdinaasir Axmed Abraham
Cabdinaasir Axmed Abraham

Muddo 10 sanno ku dhow ayuu bukaanka xaaskiisa la silcaayay oo uu awood dhaqaale oo dhakhtar wanaagsan lagu geeyo u la’aa. Intaas na waxa u dheeraa nabarka xaaskiisa oo sameeyay ur cidna qol iyo gaadiid la wadaagi karin. Waxa aanay gaadhay heer ehelkeedii ku naco bukaanka iyo baahida is-barkan.

Lammaanuhu waa reer miyi aan mood iyo nool midna lahayn intaas na ay u dheer tahay in aanay nolosha Bandar “Magaalo” gabi-ahaan ba wax ba kala socon. Markay quus gaadheen lammaanuhu ayuu Suxufi magaciisu yahay Sacad Cabbas Cali  barnaamij ka sameeyay QISADA xannuunka badan ee lammaanahan fadliga Alle dad badan oo sama-faleyaal ah bay arrintaasi damaqday, soona gaadhsiiyay deeq dhaqaale oo ku filnaatay wax ka qabashada nabarka caabuqiisa gunaadka iyo laxawgu toban jirsaday.

Ugu dambayn waxa lagu guulaystay qalliinkii sidaas na waxa ku caafimaadday marwadii buktar. Walaw, muddo kaddib ay haddii si caadi ah ugu timid haddana saygeedu xaqa u yimid afadiisa uu ku samirsanaa. 

Aniga oo la jooga walaalkayga yar suxufiga ayuu soo wacay si uu ugu mahadceliyo waxtarkii uu u sameeyay barnaamijkiisu. Markii uu tilifoonkii dhammaystay ayuu Sacad Cabbaas qisadan ila wadaagay.

Waan ilmeeyay waxaanan ka codsaday in uu ninkaas gobta ah ee samirka badan ila kulansiiyo, hasa yeeshee, shirar iyo shaqo culus oo Jigjiga iiga socotay kulankaasi iima suurto-gelin waxa aan se naftayda ka ballanqaaday in aan geesigaas qalinkayga ugu hiilayo.

FG: Laba farriimood ayay dulucda sheekadani xambaarsan tahay, kuwaas oo kala ah;

  1. Qofkasta xirfaddiisa cid dhibaataysan uu ugu gargaari karaa, saxaafadduna waa ta ugu mudan.
  2. In dadka buunbuuniya hagar-daamooyinka ragga xunxuni ay dumarka u geystaan aan ogaysiiyo in ay jiraan shakhsiyaad geesigan oo kale ahi ayna mudan yihiin in qisadooda dunida la gaadhsiiyo.