Taliska Booliska Somaliland Muxuu Ka Yidhi Jidh-dilka iyo Xadhigga Hoodo Garays & Hooyadeed Loo Geystay?

Hargeysa(aftahannews):- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay Jid-dil iyo Xadhig Askarta Saldhigga Xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa ay u geysteen Weriye Hoodo Garays oo ka tirsan Horyaal24 TV iyo Hooyadeed Suleekha Cabdillaahi oo dhaawacyo la gaadhsiiyey.

Taliyaha Ciidanka Dembi-baadhista ahna Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo ay garab-taagnaayeen Saraakiil kale, ayaa Caawa Shir Jaraa’id oo ay arrintaa kaga hadleen ku qabtay Hargeysa kaga hadlay arrintaas.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis, ayaa sheegay in sida Wararka looga tabiyey falkaas aanay xaqiiq ahayn, waxaanu ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Dad uu sheegay inay doonayaan inay kala dilaan Booliska iyo Bulshada.

Gaashaanle Sare Faysal Xiis waxa uu ku dooday in dhaawacyada gaadhay Hoodo Garays iyo Hooyadeed Suleekha Cabdillaahi aanay waxba ka jirin ee iyagu ay la dagaallameen Askarta Booliska, isla markaana Askartooda dhaawacyo ay u geysteen.

Waxa uu Afhayeenka Boolisku Warbaahinta uu la hadlay u soo bandhigay Nootaayo si qasab ah looga saxeexay Hoodo Garays iyo Hooyadeed, taas oo sheegaysa in Booliska iyaga jidh-dilay ay Dhibbane u yihiin.

Haddaba, hadalka Afhayeenka Booliska Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.