Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Dowladda Waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Baaq muhiim ah u diray

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters 2021
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters 2021

Muqdisho(aftahannews):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters 2021
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters 2021

Xoghaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, waxa uu ku boorriyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.

Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in sibuuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka.

Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.

Warka kasoo baxay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa uu ku soo beegmayaa xilli Musharrixiinta Madaxweynaha ay maanta ku baqeen Bannaan-bax ay sheegeen in la isugu yimaaddo maalinta Jimcaha ee innagu soo aaddan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.