Madaxtooyada Soomaaliya oo looga yeedhay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland

MADAXWEYNEYAASHA JUBALAND IYO PUNTLAND AXMED MADOOBE IYO SAIID DENI.jpeg
MADAXWEYNEYAASHA JUBALAND IYO PUNTLAND AXMED MADOOBE IYO SAIID DENI.jpeg

Muqdisho(aftahannews):- Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa mar kale ugu yeedhaysaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay ku soo biiraan Shir wada-tashi ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel-dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15/16 Febraayo 2021.

MADAXWEYNEYAASHA JUBALAND IYO PUNTLAND AXMED MADOOBE IYO SAIID DENI.jpeg
MADAXWEYNEYAASHA JUBALAND IYO PUNTLAND AXMED MADOOBE IYO SAIID DENI.jpeg

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxaa ay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Baaqa ay mar kale u jeedisay dowladda Soomaaliya Puntland iyo Jubbaland ayaa imanaya xili madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xalay uu jeediyay khudbad uu siweyn ugu dhaleeceeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sameeyay shaqsi doonaya in uu xoog dalka ku maamulo.

aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.