Madaxweyne Biixi iyo Suldaanka Guud ee Somaliland Maxamay Ka Wadahadleen?

Madaxweyne BIIXI IYO SULDAN DAAUUD SULDAAN MAXAMED 2021
Madaxweyne BIIXI IYO SULDAN DAAUUD SULDAAN MAXAMED 2021

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa Madaxtooyada kula kulmay Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland ee beddelay Aabbihii Suldaan Maxamed oo horraantii bishan geeriyooday.

Madaxweyne BIIXI IYO SULDAN DAAUUD SULDAAN MAXAMED 2021
Madaxweyne BIIXI IYO SULDAN DAAUUD SULDAAN MAXAMED 2021

Kulankaas ka dib, War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey, waxbaaha ay Madaxweynaha, Suldaan Daa’uud iyo Madax-dhaqameedka kulanka ku wehelinayey ka wadahadleen oo dardaaran iyo duco u badnaa, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-

“Madax-dhaqameedka Deegaanka Marxuumka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo dhawaan geeriyooday, ayaa madaxweynaha la yeeshay kulan ay kaga mahadnaqayaan doorkii shariifka ahaa iyo kaalintii mugga iyo milgaha lahayd ee madaxweynaha qaranka iyo guud ahaan xukuumadda uu hoggaamiyaa ka qaadatay Aaskii qaran ee loo sameeyey marxuumka.

Kulankan madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka oo ay ka qaybgaleen suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu dhalay marxuum Suldaan Maxamed, madax-dhaqameed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale ayey ujeeddadiisu ahayd mahadnaq ay madax-dhaqameedkani ugu tageen madaxweynaha iyo duco lagu baarigayey suldaanka cusub ee xilka saldanadda la wareegay.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka, Mudane Maxamed Cabdilaahi Daahir (Cukuse) Suldaan Aadan Faarax Cumar, jiif Caaqil Cabdiweli Jaamac Cabdi, Garaad Mustafe Maxamed Cumar iyo xubno kale oo katirsan madax-dhaqameedka oo hadallo ka jeediyey kulanka, ayaa si isku mid ah madaxweynaha ugaga mahad-celiyey kaalintii taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay Aaskii Suldaan Maxamed, abaabulkiisii iyo diyaarintiisiiba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta uga mahadceliyey kulanka mahadnaqa ah ee ay ugu yimaaddeen, waxana uu u duceeyey suldaanka cusub ee dhallinyarada ah, waxana uu yidhi,“Suldaan Daa’uud oo cusub oo maanta aynnu wadno aad iyo aad bay sharaf noogu tahay marka hore qaran ahaan inaad noo keentaan oo aannu u ducayno oo aannu is aragno, qof ahaanna sharaf bay ii tahay.” sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.