Guddomiye Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee G/Sanaag oo Dugsiyada Hoose/ Dhexe u qaybiyay Buugaagta Manhajka Somaliland

Ceerigaabo (aftahannews):- Sii hayaha Guddomiyiaha waxbarashada Gobolka Sanaag Mudane Ibraahim Xuseen Ducaale, ayaa  qaar ka mid ah Dugsiyada dawliga ah ee magaalada Ceerigaabo u qaybiyay Buugaagta manhajka waxbarshada dalka, kaas oo hore uu ugu ballanqaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in si lacag la’aan ah lagu siiyo ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka.

qaar ka mid ah Maamulayaasha iskuulada buugaagta la gaadhsiiyay iyo ardaydooduba waxay umahadnaqeen maamulka gobolka sanaag ee waxbarshada iyo cid kastoo ka qayb qaatay sidii ay buugaagtani u soo gaadhi lahayd waxaan ugu horayn halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Ee Jeembar waxaanu yidhi ‘’ halkan waxaan nagu soo gaadhay buugaagtii manhajka  dugsiga hoose dhexe ee loogu tala galay iskuulka Jeembar iyadoo uu noo keenay guddomiye Ku Xigeenkii Wasaarada Waxbarshada Gobolka  Iyo Guddomiyihii Degmadu buugtaas oo ahayd buugtii hadeer inoo timi ee wasaaradu qaybisay taas oo la wada siin doono ardayda dugsiga oo dhan iyadoo arday waliba heli doono todoba buug oo u wax ka barto sidaa la ajigeed waxaanu halkan uga mahad celinaynaa Wasiirka Wasaarada Waxbarshada, Agaasimaha Guud, Guddomiyaha Gobolka Sanaag , Ku Xigeenka Sanaag, Iyo Guddomiyaha Degmada intuba dedaalka ay galiyeen.Isna waxaa halkaa ka hadalay maamulaha iskuulka surud waxaana uu yidhi ‘’ Guddomiye Ku Xigeenka Wasaaradda Waxabarashada Gobolka Sanaag Ibraahim Ducaale waxaa uu nasoo gaadhsiiyay buugtii manhajka ardayda buugtaas oo ku filan ardayda isla markaana aad arkayseen inaanu uqaybinaynay sidaa daraadeed waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa cidii ka soo shaqaysay Madaxweynaha qaranka oo markii hore balanqaaday iyo Madaxda Wasaaradda waxbarashada.
Ugu danbayntii waxaa isaguna halkaa ka hadalay Guddomiye Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Sanaag Mudane Ibraahim Xuseen Ducaale waxaanu yidhi ‘’ aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan bugaagtii manhajka gaadhsiiyo dugsiyada magaalada iyo gobolka ee loogu talagalay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa ka go’anayd oo balanqaadkiisiini ka mid ahayd in waxbarshadu noqoto mid lagu faano heerka ugu saraysana laga gaadho arday kastana la gaadhsiin doono manhajka,
marka kowaadna waanu uga mahadnaqaynaa guud ahaan xukuumada  Wasiirka Wasaarada Waxbarashada , Wasiir Ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud iyaguna gobol ahaan si cadaalada ah inoo soo gaadhsiiyay   dadaal badana ku soo bixiyay, gobol sanaag ahaan Arday kasta oo dugsi dawli ah dhigta galaaska 1aad ilaa 8aad waxay heli doonaan dhamaan buugaagta manahajka uu ka dhigto kana kooban todoba bug waxaa laydinka doonayaa waxaa laydinka doonayaa inaad buugtaa ilaalisaan kana faa’iidaystaan dadaal badana ku bixisaan’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Guddomiye Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Sanaag Mudane Ibraahim Xuseen Ducaale.