“Dhacdadii Hoodo Garays & Siday Wax ugu Dhaceen oo aan goobjoog ka ahaa..” Xamse Cumar Kujoog

HOODO GARAYS OO BOOLISKA SOMALILAND JID-DIL UGU GEYSTEEN HARGEYSA 2021.jpg
HOODO GARAYS OO BOOLISKA SOMALILAND JID-DIL UGU GEYSTEEN HARGEYSA 2021.jpg
“Askar dhawr ah oo Maqaaxi Saldhigga kasoo horjeedda kasoo kacay, ayaa dagaalkii qayb ka noqday, waxaanan isha ku hayay iyada oo labadii Dumar ahaaba laga saaray Xijaabbadii ay xidhnaayeen…” Xamse Cumar Ku-joog
Hargeysa(Aftahannews):-  Xamse Cumar Kujoog oo ka mid ah Dhalinyarada reer Hargeysa, ayaa ka warramay arrin dhibaato loogu geystay Weriye Hoodo Garays iyo Hooyadeed oo ay Askar ka tirsan Booliska Somaliland, gaar ahaan Saldhigga Qudhac-dheer, kuwaas oo dhaawacyo muuqdo iyo nabarro badan oo kale u geystay Inanta iyo Hooyadeed.
HOODO GARAYS OO BOOLISKA SOMALILAND JID-DIL UGU GEYSTEEN HARGEYSA 2021.jpg
HOODO GARAYS OO BOOLISKA SOMALILAND JID-DIL UGU GEYSTEEN HARGEYSA 2021.jpg

Xamse waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada loo geystay Weriye Hoodo Garays iyo Hooyadeed oo uu ku tilmaamay in si arxan-darro iyo gardarro ah oo ay u waxyeelleeyeen maalintii Jimcaha oo ay bisha Febraayo ahayd 19 sannadka 2021-ka.

Waxaanu Xamse Cumar Kujoog qormo uu Faysbuuggiisa ku baahiyey oo qoraal ah kaga warramay Saldhigga Booliska Xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa oo uu goob-joog u ahaa, indhihiisana ku arkayey.
Qoraalka uu Xamse wuxuu indhihiisa ku arkayey iyo waxa uu dhegihiisa ku maqlayey kaga warbixiyey, oo nuqul ka mid ah ay heshay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Maalintii Jimacaha waxa aan casar kaddib hawl ka lahaa saldhigga qudhac dheer oo aan kasoo saarayay wiil qoyskayaga ah oo ku xidhnaa. Waxa aan la taagnaa taliyaha Saldhigga Cabdi Madoobe oo aan ka sugayay inuu ii fasaxo wiilka aan saldhigga ka saarayay, isla daqiiqadahaas waxa gaadhi Suzuki ah oo midabkeedu caddaan yahay saldhigga hortiisa soo dhigtay inanta saxaafadda la hadashay ee Hoodo Garays oo wejigeeda aan markaas gartay se aanan soo saarin qofka ay tahay.
Waxa amar lagu siiyay in gaadhiga ay meesha ka qaaddo, waxana ay inyar ka durugtay halkii hore ee lagu amray in ay ka dhaqaaqdo. Askari aad u da’ yar ayaa ku dhaqaaqay oo mar kale amar ku siiyay in ay dhaqaaqdo iyada oo gaadhiga kasoo degaysa, waxana ay isku celiyeen dhawr hadal, waxana aan isha ku hayay isaga oo qorigii uu sitay ku waabinaya, weliba handadaad iyo ereyo uu kol kasta ku bilaabayo “Naa. Naa. Naa…” ugu jawaabaya.
Markii uu hadalku ka duulay waxa uu soo qabtay xijaabka, waxana uu u yeedhay gabadh askariyad ah, “Deeqaay qabo naagtan oo xaree”. Waxa kolkaa soo gaadhay laba askari oo kale oo doonayay in ay xaaladda dejiyaan, se askarigii da’da yaraa ayaa xoog isticmaalay, kaddibna inantii ayaa iyaduna gacanta qaadday, waxay is qabsadeen askariyaddii, waxana ay timaha qayb ka mid ah inantu ka goysay askariyadda. Waxa meeshii ka bilaabmay dagaal, Cabdi Madoobe oo meesha taagnaa ayaa ku dhawaaqayay “Waar inanta daa oo aad yar la hadal..”.
Waxa soo degtay gabadh kale oo ka da’ wayn inanta oo markii danbe aan u gartay in ay hooyadeed tahay, sidoo kalana askarta qaar ay garanayeen oo sida ka muuqatay ciidan ahayd, waxa ay dhawr jeer ku celisay “Waar inanta ii daaya aniguba askariyad ayaan ahay”. askar dhawr ah oo maqaaxi saldhigga kasoo horjeedda kasoo kacay ayaa dagaalkii qayb ka noqday, waxana aan isha ku hayay iyada oo labadii dumar ahaaba laga saaray xijaabadii ay xidhnaayeen.
Waxa aan xasuusanahay wiil askari ah, se aan markaas dirays xidhnayn, kolka laga tago kabihii askarta, weliba inuu reer bari ahaana aan u badinayo oo si gobannimo leh bilowgii u kaxeeyey Hoodo Garays, intii uu sii waday ayaa waxa inantii ka daba yimi askarigii da’da yaraa, waxana uu si arxan darro ah oo darandoorri ah u liqsiiyay dhawr laad oo aan ka xumaaday. Waxa aan ku dhawaaqay “Waar kaddaa iimaanka beele waa biri magaydee” Waxa se si cadho leh iigu jawaabay askari kale oo baadhe ah, kaas oo igu amray inaan afkayga haysto oo aan ka dhaqaaqo meesha.
Hooyadii la qaawiyay iyo inantii oo nabarro badani gaadheen ayaa qol lagu xareeyey, waxana qolkii ugu galay Cabdi Madoobe oo bannaanka usoo saaray askartii oo dhan, qaar ka mid ah waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo aad u liita (Ilaa dorraad waxa aan maskaxdayda ka bixin mid ka mid ah askartu sidii uu inantaas u caayay), qaar kalana waxa ay hiifayeen taliyaha oo ay kasoo qaadayeen nin ka qabtay shufto ay ahayd in ay garaacaan.
Waxa aan u taagnaa nabarrada ku dhacay inantaas, sidoo kale waxa aan arkayay waxa waxaas oo dhib ah ka dhaceen in ay ahayd wax aan mudnayn, waxa aan waydiiyay laba askari oo markii danbe hawshaydii igala shaqaynayay “Inaadeer gaadhiga qaad iyo halkeen dhigaa ayaa waxaas oo dhib ah keentaye miyaanay masuuliyaddiinna ahayn in aad bulshada si deggen ugu adeegtaan?” Waxa ay iigu jawaabeen “Askarigu waa wiil yar oo dufcaddii u danbaysay ee Mandheera kasoo baxday weeye, wax khibrad ahna ma leh, kolkaa waxaas oo dhan isagaa gaystay”.
Waxa aan rabay inaan qormo ka qoro, haddana waxa aan is idhi Somaliland waad taqaannaa oo runta waa la isku qoonsadaa oo waxa laga yaabaa in dhibaato ka wayn ay keento ee ka gaabso, waxa aan mardhawayd uun baraha bulshada ku arkay inantii aan u taagnaa wixii ku dhacay oo warramaysa.
Markhaati ayaan ka ahaa, nidaamkeenna saldhigyaduna waa mid u baahan in la hagaajiyo, askariga bulshada u adeegayana intaas dadka lagu soo fasixin waxa mudan in isaga asluub wanaagsan lasoo baro.” Sidaa ayuu Xamse Cumar Kujoog ku yidhi Qoraalkiisa.