Madaxweyne Biixi: Qofkii aan Cunto haysan waa loo talinayaa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasarada beeraha ee Somaliland, ayaa sheegay in wax soo saarku yahay lafdhabarta dal kasta oo horumara isla markaana cidii aan cunto ku filan lasoo bixin ay dawladaha kale u talinayaan.

Madaxweyanaha oo ka hadlayay xaflad xadhig ka jaris ah oo loo sameeyay, dhisme cusub oo ay yeelanayso wasarada horumarinta beeraha ee Somaliland ayaa ka hadlay muhiimada uu wax soo saarku leeyahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

“Maanta aduunka dal waliba wuxu ku dagaalamayaa in uu cunto samaysto, qof kii aan cunto haysan waa loo talinayaa, waxa lagaa iibinayaa cunto anad beeran karayn, Covid 19 baa dhacay, aduunkii wuu wada kala xidh xidh may, dadkii aan waxba beeranin way bakhtiyeen ama silic bay ku nool yihiin”. Ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland laga soo saari karo cunto ku filaan dhamaan shacabka ku dhaqan.

“Waxaynaan isku diidanayn, in dalkeena cunto ku filan laga soo saari karo, masuuliyada in lasoo saaro cida qaabilsana waa wasarada beeraha, wasarada beeraha kama rabno iyada in ay noqoto wasarad wax beerta, waxa laga rabaa in ay qaran ka ku hogaamiso in uu wax soo saaro”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu.

Madaxweyaha ayaa ugu danbaystii hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Somaliland ay ku taalo gobol ay dhibaatooyin badani ka socdaan sidaa darteedna loo baahanyahay in shacabka Somaliland nabad galyadooda ilaashadaan isla markaana horumariyaan wadan kooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.