Wasiir Siciid Sulub oo Xisbiyada Siyaasada Somaliland ku eedeeyay in ay bulshada Qabaa’il u kala saarayaan

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub Maxamed
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub Maxamed

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka xanaanada Xoolaha ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa xisbiyada siyaasada ee Somaliland ku eedeeyay in ay bulshada qabaa’il u kala saarayaan, iyagoo musharixiinta ku xidhaya in ay qabaa’iladooda soo kaxaystaan si ay xisbi uga mid noqdaan.

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in barigii hore musharixiinta la waydiin jiray taageerayaashooda laakin hada ay taasi is badashay oo xisbiyadu musharixiinta ku xidhaan in ay soo kaxaystaan reer kooda oodhan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub Maxamed
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub Maxamed

“Hada axsaabtii qaranka ayaa wada in ay dadka qabaa’il ukala qaybiyaan, waxaynu ku jirnaa in qofka musharaxa ah la yidhaahdo reer kiinii soo kaxayso, odayashadii mee, cuqaashadii mee, waxaynu ku bilawnay qof ka taageerayaashisa in aynu waydiino, xasiifkii ugu horeeyay ee Somaliland laga furo, xisbigii UDUB yaaa Burco ka furtay, musharixiinta waxanu ku xidhi jirnay in ay keenan 150 qof oo taagerayaal ah, oo isku dhexjira.” Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Siciid Sulub ayaa soo jeediyay in xisbiyo cusub la furo oo laga guuro, saddex dan xisbi ee hada jooga.

“Waxan leeyahay saddex deenan xisbi halaga guuro, 10 kii sanadood waxyar baa ka hadhee,hala furo xisbiyo cusub oo qaranka isku xidha, waxan sidaa uleeyahay maanta anigu Kulmiye ayaan kamid ahay, shalayna Wadani baan aha, tii ka horaysayna waxan aha as aasayaashi xisbigii UDUB, kaygii markuu iga burburay dee silic Ilahay baa ibadoo wanigan kolba mid galaya imika, umana arko xisbiyo hagaagsan oo wali UDUB oo kale ayaan daydayayaa.” Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in xisbiyada maanta jooga ay ka talaabsadeen xeerarka dalka u yaala taasina ay keentay, in ay qabyaalad miciin bidaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.