Mareykanka: Ma ogolaaneyno in COVID-19 loo adeegsado in lagu xadgudbo Xuquuqda Aasaasiga ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Blinken waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan February.

Blinken ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken waxa uu sheegay inay muhiim tahay in caalamku uu si wadajir ah uga hortago kana guulaysto Covid-19, iyo cudurro kale oo faafa oo mustaqbalka yimaada.

Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyeen lacag dhan 140 bilyan oo dollar gargaarrada caafimaadka dunida.

Waxa uu Blinken sheegay in dhamaadka bishan ay Maraykanku siin doonaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO lacag dhan 200 milyan oo dollar oo ah waajibkii ku soo aaday Maraykanka.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada inay la dagaalamanaan dacaayadaha aan jirin eel aga faafiyo tallaalka, waxaana uu sheegay in haddii aan taas la samaynin la boqongoynayo hadafkii la lahaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.