Fannaanad Faadumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku Geeriyootay

Faadumo Cali Nakruuma
Faadumo Cali Nakruuma

Muqdisho (Aftahannews)- Alaah ha u naxariistee waxaa Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Fannaanadii Faadumo Cali Nakruuma, oo aheyd fanaanad caanka ah dhulka Soomaalida.

Fannaanad Faadumo Cali Nakruuma ayaa ka mid ahayd Fannaaniintii Hobolada Waaberi, iyada oo ka mid ahayd 12 Gabdhood oo lagu aasaasay Hobollada Waaberi.

Faadumo Cali Nakruuma oo maalmihii u dambeeyay xaalad caafimaad oo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee Coronavirus loo dhigay isbitaalka Martiini, ayaa maanta ugu dambeyntii u geeriyootay.

Faadumo Cali Nakruuma
Faadumo Cali Nakruuma

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida Fannaanad Nakruuma, isagoona ku sifeeyay in ay ahayd Fanaanad qaran oo kamid ahayd tiirarka fanka Soomaaliya.

Rooble ayaa ugu horeyntii geerida Faadumo Nakruuma uga tacsiyadeeyay qoyskeeda, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku sifeeyay Fanaanad qaran oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka iyo wacyi gelinta Bulshada.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada,” ayuu ku yidhi ra’iisal wasaare Rooble.

Fannaanad Faadumo Cali Nakruuma ayaa ka mid noqonaysa Fannaaniin iyo Dad caan ah oo cudurka Coronavirus u soo ritay kuwaasi oo ugu dambeyntii ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya iyo dibadiisa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soomaaliya.