Hoggaamiyeyaashii baxsadka ahaa ee Tigreega oo Shuruudo ku xidhay Wadahadal ay galaan

Ciidamada Tigray

Mekelle (Aftahannews)- Hogaamiyeyaashii xukunka laga tuuray ee xisbigii hore ee xukumayay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, kuwaas oo baxsad kujiray in kabadan 3 bilood, ayaa soo saaray shuruudo ay ku xidheen wadahadalka nabadda.

Bayaanka ayaa waxaa baahiyay TMH, oo ah xarun warbaahineed oo taabacsan xisbiga TPLF.

Ciidamada Tigray
Ciidamada Tigray

Colaada kajirta Tigray ayaa qaraxday horaantii bishii Nofeembar 2020 markii ay ciidamada federaalku bilaabeen guluf ay ku saareen kooxda TPLF kadib markii dagaalyahanadooda ay qabsadeen saldhigyo military

Liiska ay kooxda TPLF dalbatay waxaa kamid ah.

1. In ciidammadii Eriteriya lagala baxo Tigreega. Labada dal ee Itoobiya iyo Eriteriya ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha Eritrea ee colaadda Tigray

2. Ka bixitaanka “xoogaggii kale ee soo duulay”. Ciidamada Amxaarada ayaa sidoo kale ku dagaallamay Tigray, waxayna gacanta ku hayaan meelaha qaar.

3.Baadhitaan madaxbanaan oo ku saabsan “isir sifeynta qowmiyadaha” iyo burburka uu sababay isku dhacu.

4.Helitaanka gobolka ee gargaarka bani’aadamnimada si loo gaadho 4.5 milyan qof oo si degdeg ah ugu baahan gargaar.

5.Sii deynta shuruud la’aan maxaabiista siyaasadeed.

6.Iyo kala diristii maamulkii kumeelgaadhka ahaa ee Tigray oo la dhisay kadib khilaafkii.

7.Wadahadallo kasta oo nabadeed waa inay hogaamiyaan hay’ad madax banaan oo caalami ah, ayay raaciyeen.

Todobaadkan horaantiisii, masuuliyiinta cusub ee Tigreega waxay dadka uga digeen inay gabbaad siiyaan cidkasta oo iskudayeysa inay xasillooni daro ka dhacda gobolka.

Dhowr hoggaamiye oo TPLF ah oo howlgab ah ayaa la dilay ama la qabtay, laakiin hogaamiyaasha firfircoon ee xisbiga iyo hogaamiyaasha militariga ayaa wali dagaallamaya.

Arrintan ayaa jirta inkasta oo dowladdu ay sheegtay in khilaafku dhammaaday ka dib markii la qabtay caasimadda gobolka, Mekelle, dhammaadkii bishii Nofeembar.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.