Sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya oo lagu Toogtay Taallada Daljirka ee Magaaladda Muqdisho

Abkoow Cambuure
Abkoow Cambuure

Muqdisho (Aftahannews)- Allaha u naxariistee waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho lagu dilay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu maraayey fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, waxaana rasaas lagu furay gaadhi uu watay.

Abkoow ayaa mudo dheer la soo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow.

Abkoow Cambuure
Abkoow Cambuure

Ciidamo ku sugan taallada Daljirka ayaa dilay marxuumka, xilli uu ka yimid dhanka isgoyska degmada Boondheere, lamana oga weli sababta keentay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Waran ayaa la sheegay inay dileen marxuumka, kuwaas oo ku sugnaa barxadda taallada Daljirka Daahsoon.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.