Madaxweyne Siilaanyo oo hor-tegaya Baarlamaanka iyo nuxurka Khdubadda uu ka jeedin doono

Madaxweyne Siilaanyo muxuu kaga hadli doonaa Khudbaddiisa sannadlaha ah oo uu Arbada ka jeedinayo Baarlamaanka?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu Arbacada Berri oo ku beegan 7-da bishan May 2014 hor-tago fadhi wada-jir ah oo ay yeelan doonaan labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, isla markaana ka jeedin doono Khudbaddiisa Dastuurku ku waajibiyey inuu sannadkiiba hal mar ka hor-jeediyo Baarlamaanka.

AXMED SIILAANYOGUURITADA IYO WAKIILLADA

Madaxweyne Siilaanyo oo sharcigu ku waajibinayo inuu sannadkiiba mar labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland uga warbixiyo xaaladda dalka, horumarka Xukuumadda ee siyaasadaha arrimaha gudaha, dibedda, nabadgelyada, hirgelinta adeegyada horumarineed ee bulshadu u baahan tahay, dhaqaalaha, xidhiidhka caalamiga ah iyo qorsheyaasha u dejisan ee dhinac kasta la xidhiidha.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxxweynuhu Arbacada Berri uu Baarlamaanka ka jeedin doono Khdubaddiisa Dastuurku ku waajibiyey, isla markaana fadhiga wada-jirka ah ee Baarlamaanku furmi doono siddeedda iyo badhka subaxnimo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maalinta berri ah labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah u jeedin doona, waxaana wakhtigu uu noqon doonaa Haddii Allaah idmo 8:30 subaxnimo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, oo sidoo kale ah Ku-simaha Guddoomiyaha Wakiillada oo isagu dalka dibeddiisa safar ugu maqnaa labadii bilood ee ugu dambeeyey.

Madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu khudbaddiisa sannadkan ku soo qaadan doono hirgelinta Waddooyinka, horumarinta kaabayaasha adeegyada Bulshada ee ay ka midka yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, Dhaqaajinta Siyaasadda arrimaha dibedda oo la filayo inuu ku faani doono tallaabadii ay Golaha deeganka magaalada Sheffield ku aqoonsadeen qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ay taageereen inay beesha caalamku aqoonsato Somaliland oo 23-sano gooni uga taagnayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa sidoo kale la filayaa inuu Khudbaddiisa berri baaq ugu jeedin doono dadweynaha reer Somaliland inay taageeraan dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ee gobollada Sanaag iyo Togdheer oo uu hore u sheegay inuu u hibeeyey Xuska 23-guurada Somaliland ee 18-ka May 2014 oo 12 maalmood innaga xigaan in dhaqaale loogu ururiyo sannadkan jidkaas.

Waxa kale oo la filayaa inuu kaga hadlo xidhiidhka iyo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, xaaladda deegaannada Bariga Somaliland oo ay degmada Taleex ka mid tahay iyo heerka nabadgelyada deegaannadaas iyo weliba qurshaha dhinaca Shidaalka oo Shirkado kala duwan Xukuumaddu heshiis kula gashay.

Inta badan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo intii uu talada hayey marka laga reebo khudbaddii uu jeediyey sannadkiisii koowaad, ayaan khudbadihiisa looga baran waxyaabo badan oo cusub, balse waxa uu jeediyee khudbado qodobbo badan iskaga mid ah oo lagu ladhay keliya qodobbada kooban ee sannadkaa dalka ku cusub, balse xagga wax-qabadka iyo faaninfta Xukuumaddiisu waxyaabaha ay qabatay intii sannadkii ugu horreysay ayuun baa lagu lifaaqaa waxyaabaha soo kordha, oo ay sannadkan ka mid noqon doonaan sida la rejaynayo dhismayaasha dhawr waddo oo ay Xukuumaddu kala qayb-qaadatay Bulshada dhaqaalaha lagu hirgeliyey iyo wixii soo raaca.

Dadka siyaasadda oddorosa ayaa khudbadihii sannadlayaasha ahaa ee uu saddexdii sano ee la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo ka hor-jeediyey Baarlamaanka, waxay ku tilmaameen inay yihiin keliya khudbad dabo-furan oo tii uu sannadkii ugu horreysay jeediyey uun xagga dambe qodobbo cusub lagaga soo lifaaqo ama lagaga soo daro. Sidaa daraaddeed, waxaa la filayaa inay ta uu berrii haddii Illaahay yidhaahdo jeedin doonaana ay kuwiisaa hore la mid noqon doonto ama ku dhawaan doonto.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.