Somaliland oo laga xusay Maalinta dhagaxtuur ka ee UFO

Xuska maalinta Dhalinyaradii UFO
Xuska maalinta Dhalinyaradii UFO

Hargeysa (Aftahannews)- Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo ah maalintii ay dhalinyaro ciyaal iskuul iyo aqoonyahan ahaa, ay dhagax kula dagalameen taangiyadii dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre 20/ February 1982, ayaa laga xusay magalada Hargeysa.

Xuska maalinta Dhalinyaradii UFO
Xuska maalinta Dhalinyaradii UFO

Maalinta dhalinyarada Somaliland ee UFO, oo sanad walba 20 bisha February laga xuso, Somaliland, ayaa maanta xus loogu sameeyay magaalada Hargeysa, waxana ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, aqoonyahan, qaar kamida dhalinyaradii UFO iyo madaxkale.

Sidoo kale, dadwaynihii ka qayb galay xaflada xuska maalinta dhalinyarada, ayaa ubax dhigay taalada dhagaxtuurka ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka sheekeeyay taariikhda maalintan, iyo siday ku timid.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.