Shan Askari oo lagu Dilay iska Horimaadyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan Shan Askari lagu dilay iska horimaadyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10 ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

Cabdi Bafo, oo ah dhakhtar ka howlgala isbitaalka Madiina, ayaa Sabtidii maanta sheegay dhimashadan iyo dhaawacanba yimaadeen kaddib markii ciidamada dowladda rasaas ku fureen dad dhigayay dibadbax la xidhiidha dib u dhaca arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah deggan waxaana dib u furay isku socodka dadka iyo gaadiidka kaddib rabshadihii shalay.

Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis madaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii afarta sano oo ku ekeyd 8dii bishan February.

Madaxweynuhu kama aanu hadlin rabashidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho hase ahaatee waxaa arintaa cambaareeyay eedeyn u jeediyay mucaaradka Ra’iisal Wasaare Rooble.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.