Xaaladda Muqdisho, Weerarrada lagu Baajiyey Bannaanbaxyadii Maanta iyo Doodda Dowladda

BANNAANBAXA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA OO RASAAS LAGU FURAY MUQDISHO 2021
BANNAANBAXA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA OO RASAAS LAGU FURAY MUQDISHO 2021

Muqdisho(aftahannews):- Ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa rasaas nool u adeegsaday Dad rayid ah oo si nabadgelyo ah isugu soo baxay oo ay hormuud u ahaayeen Musharrixiinta u taagan jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo doonayey inay muujiyaan siday u diiddan yihiin doorasho la’aanta, iyadoo wakhtigii Madaxweynuhu ku dhammaaday 8-dii bishan aynu ku jirno ee Febraayo 2021.

BANNAANBAXA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA OO RASAAS LAGU FURAY MUQDISHO 2021
BANNAANBAXA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA OO RASAAS LAGU FURAY MUQDISHO 2021

Ciidammo farabdan, ayaa saaka la keenay waddooyinka caasimadda gaar ahaan agagaarka taalada Daljirka Daahsoon. Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ciidanku ay dadweynaha u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada.

Rabshadihii xalay dhacay

Xiisad ayaa ka taagan magaalada ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidammada dowladda iyo ilaalada madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya xalay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda inay weerar ku soo qaadeen Hotelka ay degan yihiin ee Maa’ida oo ku dhow agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon.

Xasan Sheekh ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu daadinayo dhiigga muwaadiniin isu diyaarinaya bannaan baxa nabadeed”.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan, iyadoo dhinacyada dagaalamayeen muddo saacad ka badan, sida ay goobjoogayaal u sheegeen BBC-da.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed oo bartiisa facebook soo dhigay qoraalka.

“Weerarka waxaa amray madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.”

Dowlada Soomaaliya ayaa war ay xalay soo saartay eedda dusha uga tuurtay mucaaradka waxayna sheegtay in dagaalka uu billowday markii “maleeshiyaad mucaaradka ka amar qaata ay weerareen fariisimha ciidammada dowladda”. “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1-dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu sheegay war qoraal oo uu saaray Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale.”Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.”

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Ma jirana ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sida uu ku biloowday dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay toona.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muuqaal uu soo duubay maanta ku sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku eedeeyey wax uu awood kale ugu yeedhay.

Rooble, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay xaaladdan, waxaanu yidhi; “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin”. Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.

Xigasho BBCSomali.