Weerar lagu Qaaday Madaxdii hore oo lagu eedeeyey Madaxweynaha Waqti -giisu dhammaaday ee Soomaaliya

Muqdisho(aftahannews):- Weerar, ayaa xalay abbaaro kawdii habeennimo iyo daqiiqado ciidanka Dowladda Soomaaliya ku qaadeen Huteel Maa’ida ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay degganaayeen Madaxweyneyaashii hore u ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Midawga Musharrixiinta oo ay xubnahan huteelka lagu weeraray ku jireen, ayaa gelinkii dambe ee shalay gaadhay halkaas oo ay ku taallo Taallada Daljirka Dahsoon oo ballantu ahayd in Jimcihii maanta uu Bannaanbax lagaga soo horjeedo doorasho la aanta iyadoo muddadii Madaxweyne Farmaajo la doortay ku dhammaatay 8dii bishan aynu ku jirno ee febraayo. Hase ahaatee Dowladda oo hore uga digtay Bannaanbaxa, ayaa heegan gelisay ciidammadeeda oo jidadka xidhay, kuwaas oo Musharrixiintu sheegeen inay xalay weerareen, iyadoo rasaasta ilaalada Musharrixiinta iyo Ciidanka Dowladdu is waydaarsadeen.

Afhayeenka Midawga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle, Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyihi hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mushharrixiinta kale qaarkood, waxaanay Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ku eedeeyey inuu bixiyey amarka weerarkaas, balse ay ka badbaadeen Madaxda hore ee iyaga iyo ilaaladooda weerarka dowladda wakhtigeedu dhammaaday ku qaadday.

Geesta kale, qoraal uu soo saaray xalay niskii dambe Wasiirka Ammiga Soomaaliya Xasan Xundubay, ayuu ku sheegay in Ciidanka Dowladdu iska difaacay dagaal malleeshiyaad hubaysani ku soo qaadeen fadhiisimadooda, balse Midawga Musharrixiintu way beeniyeen eedayntaas.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaas xalay, haddana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa la sheegay inuu ka dhashay, isla markaana ilaalada Madaxda hore ee Musharrixiinta ah iyo ciidanka weerarka qaaday ee dowladdaba uu dhib gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.