Shirkadda Facebook oo ka Aargudatay Australia

Shirkadda Facebook
Shirkadda Facebook

Tallaabo u muuqata aar-goosi balse layaab ku noqotay dadka reer Australia ayay shirkadda Facebook Khamiistii kaga joojisay guud ahaan waddanka Australia, qeybti ay dadka adeegsada Facebook ka heli jireen wararka.

Arrintan ayaa ku qotonta muran u dhaxeeya Dowladda Australia iyo Shirkadda Facebook, kaddib markii uu dhawaan baarlamaanka ansixiyay, qaanuun ku amraya shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiga, in ay gataan wararka qalabka warbaahinta ku faafiyaan Facebook iyo Google.

Shirkadda Facebook
Shirkadda Facebook

Tani waxay keentay in ay hay’addaha warbaahinta Australia awoodi waayeen, in ay wararkooda ku faafiyaan Facebook, sidoo kale dadka adeegsada Facebook ayaa heli waayay wixi warar ahaa ee u soo mari jiray Facebook.

Ra’isal wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa go’aanka Facebook ku tilmaamay isla-weeyni iyo wax aad looga xumaado isla markaana ayna Facebook u caga-jugleyn karin dowladda Australia.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.