Midowga Yurub oo ka digay ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka Muqdisho

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Nicolas Berlanga
Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Nicolas Berlanga

Muqdisho (Aftahannews) – Midowga yurub ayaa sheegay in laga fogaado ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka midowga musharrixiinta mucaaradka Soomaaliya ka sameynayaan Muqdisho jimcaha.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho, Nicolas Berlanga ayaa sheegay, In kasta oo la ixtiraamayo xaqa hadalka iyo banaanbaxa, hadana wuxuu sheegay in lagu dhaqmo xakameynta cawaaqib xumada ka dhalan karta isku imaatinka.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Nicolas Berlanga
Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Nicolas Berlanga

Hadalka kasoo yeedhay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa yimid xilli dowladda Maraykanka ay iyaduna dhankeeda kula talisay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan mudaharaadka laga abaabulayo Muqdisho.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho oo shalay Khamiistii lagu waday inuu ka dhaco shirka madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ku dhawaaqay, ayaa qabsoomi waayay, waxaana xusid mudan in aanay weli halkaas tegin madaxda dowlad goboleedyada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.