Mareykanka oo muwaadiniintiisa ku sugan Soomaaliya uga digay Mudaharaadyadda ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ugu digtay inay ka fogaadaan banaanbaxyo la filayo inay maalinta berrito ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Maraykanka ayaa ka digaysa in mudaharaadyada ay ka dhashaan rabshado iyo kacdoon shacab, waxayna muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ka dhacayaan.

Musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyagoo diidan dib u dhac howlaha doorashooyinka. 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.