Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo isku diyaarinaya Dibadbaxa maalinta Berri ah

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo la xidhiidha dibadbaxa maalinta Berri ah lagu waddo in ay qabtaan Midowga Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoggaanka ugu sarreeya midowga Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo isku diyaarinaya dibadbaxa maalinta Berri ayaa degay hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Hotelkan ay deggeen hoggaanka Midowga Musharixiinta ayaa ku dhaw taalada Daljirka Dahsoon ee balantu tahay in maalinta Berri ah ay isugu taaggaan taageerayaasha mucaaradku, waxaana wararku sheegayaan in amaanka hoteelka ay sugayaan ciidamo u gaar ah siyaasiyiinta.

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Farmaajo, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in ayna ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka digtay in magaalada lagu qabto isku soo bax dadweyne iyadoo laga fogaannayo faafitaanka cudurka Covid-19 oo ay sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay uu siweyn u soo laba-kacleeyay.

Sidoo kale, dibadbaxa maalinta Berri aya ku soo beegmaya xili habeenimadii xalay Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay shir ka furmaya 18-19 bishan magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir lagagana arinsanayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn u hadal haya dhaq-dhaqaaqyadan iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho iyo waxa ka dhalan-kara qabashada dibadbaxa maalinta Berri ah iyo diidmada xukuumadda Farmaajo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.