Madaxweyne Siilaanyo oo Wakiilka Somaliland ee Turkiga magacaabay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magacaabay Wakiil Somaliland u fadhiyi doona waddanka Turkiga, dalkaas oo aanay hore ugu lahayn wax wakiil ah oo u metela.

AXMED-SIILAANYO

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland, kaasoo xambaarsana Digreetada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhi doona Turkiga. War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.

MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga:

Markuu La Tashaday:  Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay:   in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga. Allaah Mahad Leh.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.