Lacag Foojari ah oo Suuqyadda Somaliland soo gashay oo Dad badan Saamaysay

Hargeysa (Aftahannews)- Lacag foojari amma been abuur ah oo doollarka Maraykanka ah, ayaa Suuqyada magaalada Hargeysa soo gashay oo lagu arkay, taasoo la sheegay in  mishiinnada lagu ogaado lacagaha aanay qaarkood qaban karin, isla markaana Dad badan saamaysay.

Lacagtaas, ayaa lagu sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah 50-ka doollar oo mid aad ugu eg la soo saaray, iyadoo sarriflayaasha lacagaha qaarkood sheegayaan in ay soo baxday sannadkii 2013-kii, taas oo keentay in la isku qaldo labada ta saxda ah iyo midda la soo foojari-gareeyey.

Sarriflayaasha Hargeysa qaarkodo, oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBc-du soo xigatay, ayaa sheegaya inay iyagu kala garan karaan lacagaha midda saxda ah iyo ta foojariga ah, balse bulshada iyo ganacsatada magaalada, ayaa dhib weyn ku qaba lacagtaas, taas oo sababtay in ganacsatadu ay gebi ahaanba iska diiddaan in ay qaataan lacagta 50-ka dollar ah.

Arrintan, ayaa saameyn ku yeelatay dadka heysta lacagta 50-ka doollar, maaddaama oo aanay helaynin meel ay ka sarrifan karaan amma goob ay wax uga iibsadaanba.

Maamulka Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa BBC-du sheegtay inay u xaqiijiyeen in ay iyaga qudhoodu hayaan lacagtan been-abuurka ah, balse ay xog faahfaahsan dib ka soo saari doonaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.